Sheeko Aad U Xiiso Badan.

Waa Na Qoomaye Alloow Noo Qabo Oo Ha Naga Qarin.
Waxay ahayd 1987dii ,waxa uu Xamar ka Qaadey Aabihii iyo Adeerkii, isaga oo wata Baabuur Noociisu ahaa Toyota Land Cruiser, iyaga oo Muqdisho uga anbabaxay dhanka Gobalada dhexe ee Soomaaliya, waxayna ku sii jeedeen Magaalada Dhuusomareeb oo Caasimad u ahayd Gobalka Galgaduud.
Amin Casar gaabad ah ayuu Safarkoodu biloowdey, saddexdoodaba waxa ay Saarnaayeen qaybta hore ee baabuurka, gaariga oo ahaa nooca daboolan qaybta dambe waxaa u saarnaa Agabkii ay wateen iyo Boorsooyinkii, waxaana Boorsada Aabihii ku jirtey 20,000 Sh.So. oo la dareemi karo 1987dii waxa ay ahayd.
Cabdirisaaq Ciise Aaden. oo ahaa Darawalka gaariga aya qisadan iiga sheekeeyey, isaga oo Sheekada sii wada ayuu ii sheegay in ay u istaageen Casho, Tuulada la yiraahdo Tuulo Barwaaqo oo u dhaxaysa Buuleburde iyo Baledweyne.
Wakhti ku qiyaasan 30 daqiiqo ayey ku qaadatey Cashadii, balse intii ayna baabuurka galin ayaa Makhaayada horteeda waxaa ku joojiyey odayaasha nin dhalin yaro ah, kaas oo ka Codsadey in la gaarsiiyo Baabuur weyn oo ka tagey kaas oo noociisu ahaa N3 .
Cabdirisaaq Aabihii aya markiiba ugu Jawaabey.
“Fuul baabuurka” isaga oo aan qofna war ka sugin, maadama uu Odeygu ahaa nin nxariis badan.
Safarkoodii ayey guda galeen, markii ay meel dhexe marayeen ayey wadada dhinaceeda istaageen, meel beer Oodeeda ah oo aan ka dheerayn Laamiga si ay u soo xaajo gutaan, waxaana gaarigii ka dagey Cabdirisaaq oo ahaa darawalka gaariga iyo ninkii dhexda laga soo qaadey.
Daqiiqado kadib waxa ay sii wateen Safarkoodii islamarkiiba ninkii dhexda laga soo qaadey ayaa Codsadey in gaariga loo joojiyo si uu ugu leexdo Tuulo meesha ka dhaweyd oo uu sheegay in Baabuurkii uu raadinayey ee N3 uu ku leexanayo halkaa, si dhakhso ah ayuuna uga degay baabuurka.
Dhaqaaqii kadib ayaa Cabdirisaaq oo ahaa wadihii Baabuurka uu shaki galey, waxa uuna ugu dhaqaaqey hubin boorsooyinkii gadaal saarnaa, isaga oo wada baarey, wuxuuse markiiba ogaadey in lacagtii Aabihii ee 20,000 Sh.So. ahayd ay maqantahay, si degdeg ah ayey u soo kala jiireeyeen..laakiin Nasiib daro uma suuroobin in ay qabtaan ninkii oo waxa uu uga dhuuntey beerta dhexdeeda.
Hadday si kasta u baareen wey waayeen, waxayna dib ugu noqdeen Tuuladii ay ka soo qaadeen, intii ayna gaarin Tuulada ayaa waxaa ka hor yimid Gaari weyn oo Xamuul ah oo u Socda Gobalada Waqooyi .way joojiyeen waxa ayna u sheegeen in la dhacay. Darawalkii gaariga weynaa ayaana ugu Jawaabey
“Kuwaasi waa kuwa mar walba dadka dhaca Alaabtana kala dega haddii aan aragnana waan idiin qabaneynaa”.
Waagii markii uu baryey ee ay quusteen ayey Safarkoodii iska sii wateen, Cabdirisaaq oo aad u walwalsan ayaa odeygii Aabihii ahaa uu ku qanciyey in lacagtaa la helayo, balse Cabdirisaaq ayaa weydiiyey.
” Aabo Seen ku helaynaa Lacagta”.
Waxa uuna u sheegay in laba qodob ay ku helayaan Lacagtaas:-
1. Lacag xalaal ah ayey ahayd
2. Intaad gaariga hadba dhinac u wadey waxaan toban kun oo jeer akhriyey, Waa Na Qoomaye Alloow Noo Qabo Oo Ha Naga Qarin.
Cabdirisaaq ayaa ku qancay waxa uuna sii watey Safarkiisii, Waxa ayna yimaadeen Janta oo 5Km u jirta Magaalada Baledweyne, ahna meesha looga leexdo.
Markiiba Cabdirisaaq waxa uu u tagey Booliska si uu u wargaliyo, markii uu u sheegay ayaa Boolisku ku wargaliyeen in uu xiranyahay ninkaas oo ay ku wareejiyeen Gaarigii Xamuulka ahaa ee ay ka codsadeen in ay u qabtaan haddii ay arkaan.
Tuugii markii la wareystey ayuu qirtey balse waxa uu sheegay in Lacagtii ay ku Xabaalan tahay beertii xaajada lagu gudanayey Xalay, asaga oo raadinaya, meeshii uu ku aasay iftiinka baabuurtana ka Cararaya uu qabtey Baabuurkii weynaa ee Xamuulka sidey, ee uu Cabdirisaaq la dardaarmey oo Booliska ku wareejiyey.
Boolisku waxay amreen in ninka Tuuga ah, Cabdirisaaq iyo Boolisku ay raadiyaan lacagta oo ku Xabaalan Beertii oo uu ku aasey xalay.
Wey soo heleen iyadii oo uusan Shilin ka maqneyn, laakiin Boolisku waxay u sheegeen in aan Cabdirisaaq lagu wareejineyn lacagta, loona gudbinayo Saldhiga weyn ee Degmada Baledweyne, iyada oo Saldhigiina uu u sii gudbiyey Maxkamada Degmada.
Waxa ay ku qaadatey lacagtiisii in uu helo Laba maalmood kadib, markuu layimid Cadeymo ku filan, Tuugii oo qirtey iyo Markhaatiyo Dheeraad ah.
Maxaa Kaaga Baxay Sheekadan?.
Mohamed Farah Duurgal