Ra’iisul wasaare Khayre oo kormeeray Bangiga Dhexe ee dalka+Sawirro

Muqdisho:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray Bangiga dhexe ee dalka, isagoo u kuurgalay sida ay shaqadu u socto iyo hufnaanta maaliyadda.

Ra’iisul wasaare khayre ayaa inta uu ku guda jiray kormeerka kulan looga hadlay dardar gelinta qorshayaasha maaliyadeed ee hor-tebinta leh, wuxuu la qaatay mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda iyo Bangiga dhexe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dib u habeynta iyo hufnaanta maaliyadda dalka iyadoo ka gudubtay caqabado badan oo ku hor gudbanaa.