Mujaahidka reer waqooyiga iyo kan reer koonfureedka sidee loo kala arkaa???

Reer waqooyi Somaliland
Wiilka dhalinyarada ee Isaaqa waxaa mujaahid u ah Muuse Biixi, Axmed Silaanyo, Maxamed Kaahin iyo rag kamid la mid ah oo hogaamiyayaal u ahaa SNM. Wiilka dhalinyarada ee Hawiye marka ereyga mujaahid maqlo waxaa dhegahiisa ku soo dhaca Ina Cayrow, Fu’aad Shangole, Axmed Godane, Cali Dheere, qarax dhacaya, madaxa layska toogto,, hoobiyayaal iyo BM Itoobiyaan iyo Amisom suuqa Bakaaraha ku soo ridayaan iyo rag mujaahidiin sheeganaya oo gobolada dalka oo idil ka kala yimid oo shacabka dhexdiisa hoobiye ka dhextuuraya, dhiig daadanaya iyo barakac.

Marka waxaa la doonayaa dhalinyaro SNM horjoogayaashooda mujaahidiin u yaqaan oo lagu soo barbaarshey waa nala laayey. Diyaarad Miig ahna loo surey bartamaha magaalada Hargeysa iyo wiil Muqdisho ku nool oo weligiis nabad arag weligiis la layn jirey waxa loo laynayo iyo cidda laynaysa aqoon, weligiisna raaligelin la siin, gurigii laga burburiya iska dhisanaya, qofkii ka dhintey iska aasanaya oo aan ogeyn sababta reerkiisu ku dhinteen. Ereyga mujaahid marka uu maqlo soo xasuusanaya qarax, hoobiye iyo BM laysku garaaco, qax loo qaxayo Ceelasha Biyaha iyo deegaano kale.

Marka sidee lagu doonayaa in dal wada yeeshaan oo midoowaan dhalinyaro isku xaalad ku barbaarin. Nolosha iyo geerida isku macno u lahayn. Ereyga Mujaahid laba micno u kala leh.

Waa nala laayey, waana na ka xasuuqey isku micno u sameynayso wiilka Hargeysa ku barbaarey Iyo Muqdisho. Dhalinyaro 30 jir ah oo weligood nabad arag, geerida la nool oo marka gurigooda ka soo baxaan ogeyn in si nabad ah ugu soo laaban doonoaan iyo dhalinyaro 18 May sannad walba u dabaal degta oo 30 sano ka hor dagaal dhacey iyo barakac xusta, dal iyo dowlad ma wadaagi karaa ?. Laba kala barisey kala war la’.

Muqdisho diyaarad Hilikobtar ah oo ciidamadii Itoobiyaanka ee Muqdisho qabsadey lahaayeen ayaa 2007-dii lagu soo ridey. Cid taalo u dhistey iyo cid xasuusata oo ka sheekeysa ma laha waxaaba ka daran Gen. Gabre oo dagaalkaas hogaaminayey ayaa Villa Somalia deganaa ilaa dhamaadkii 2016-kii oo wax ka hagayey siyaassda Soomaaliya. Oday ama siyaasi reer Muqdisho ah oo ka hadlayey ama xusa xasuuqii Itoobiyaanka Muqdisho ka geysteen ma laha. Dadna 1988 xasuuq dhacey ayey sannad walba xusaan.

Soomaalidu isku dhaqan ma aha. Dad aan isku dhaqan ahayna wax ma wagaagi karaan. Beesha Isaaq xaal qaata iska xusta 18 May, mujaahid Muuse Biixina difaacda. Reer taariikh lahayn oo xasuuqa ku dhaca xusin baad wax la wadaagtaan.

Ilyaas Mohamud Hussein