Maleeshiyaad ka Tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Mudug

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad inay isku soo dhiibeen xubno ka mid ah Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolka Mudug.

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka C/casiis C/laahi Cabdi Qooje ayaa xaqiijiyay in Sadex dagaallame oo ka mid ah Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka ku sugan degaanka Bacaadweyne oo hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa sheegay inay la soo xariireen Ciidanka, islamarkaana ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen, loona sameyn doono dhaqan celin.

Ciidanka xoogga dalka ayaa Kaabiga ku haya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, islamarkaana waxay diyaar u yihiin inay ka xorreeyaan Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Sheegashada Ciidanka dowladda ah inay gacanta ku hayaan xubno ka mid ah Al-Shabaab.