Itoobiya oo waxba kama jiraan ku tilmaantay in Ciidanka Soomaaliya ka qeyb ahaayeen dagaal ka dhacay Feerfeer.

Dowladd deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa sheegtay in aanu caddeyn u hayn in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dad ku laayeen degaanka Feerfeer, kadib markii shalay ay halkaasi gaareen guddi ka socda dowlad degaanka.

Degaanka Feerfeer ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal beeleed Khasaare geystay, waxaana qaar ka mid ah dadka degaanka ay ku eedeeyeen in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka qeyb ka ahaayeen dagaalkaasi.

Hoggaanka nabadgaliyadda degaanka ayaa sheegay in hadda ay kala dhex galeen maleeshiyaadkii dagaallamayay, islamarkaana ay ka dhex waddaan dadaallo nabadeed.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhaawacyo badan ay ka qaadeen degaanka, islamarkaana ay geeyeen isbitaalka guud ee dowlad degaanka.

Dhanka kale Degaanka Feerfeer ayaa ku yaala Xadka kala bara dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaana inta badan ku dagaallamaya Maleesiyaad ka soo kala jeedda labadda dhinac.