Dowladda Kenya oo dib u furaysa xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Kalluumeysatada ku sugan Gobolka Lamu iyo ganacsatada Kenya ee badeecadahooda u iib geeya Soomaaliya ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan dib u bilaabi doona ganacsigooda kadib markii ay Xukumada Nirobi shaacisay qorshayaal dib loogu furayo qaybta Lamu ee xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Bishii Juun ee sanadkii hore, ayay Kenya xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, oo ay ka mid tahay isgoyska Kiunga ee ku yaal Lamu si loo joojiyo jidadka ay isticmaalaan tahriibiyeyaasha, Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo kuwa dadka tahriibiya sida ay qortay Dailly Nation.

Wakiilka Gobolka Lamu ee Kenya Irungu Macharia ayaa sheegay in qorshayaal hada socdaan si loogu ogolaado kalluumeysatada iyo ganacsatada, gaar ahaan kuwa wax ka qabta Gobolka Miraa in ay dib u bilaabaan ganacsigooda xadka inkastaoo xadku wali xiran yahay.

Mr Machaira wuxuu sheegay inay soo gaartay cabashada kalluumeysatada iyo milkiileyaasha kale ee ganacsada xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay inuu sidoo kale ka warqabo in kalluumeysiga iyo dalxiiska, oo fure u ah dhaqaalaha Lamu, ay gabi ahaanba u burbureen xanibaadaha  Covid-19.

Wuxuu yiri si loo soo nooleeyo waaxyaha bandowgu saameeyay, guddiga amniga ee gobolka, hoggaanka maamulka gobollada iyo kuwa kale ee ay khusayso waxay dhowaan kulan la qaadan doonaan kalluumeysatada iyo ganacsatada kale ee gobolka si loo eego habka loogu ogolaa karo in ay u gudbaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ganacsatada Kenyaan ah ee sida dhuumaalaysiga ah ku soo galiya Soomaaliya Khaadka ayuu sheegay in ay isticmaalaan qaab tahriibin ah oo aysan Kenya ogolaadoonin sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya oo Kenya xuduud kala dhexeeyo ayaanan la ogayn waxa ay ka yeeli doonto in dib loo furo xuduudka si ganacsatada Kenya ugu fudutaado in ay ganacsigooda keenaan gudaha Soomaaliya.

Khaadka ama Jaadka ayaa ah badeecada ugu badan ee Kenya soo galiso Soomaaliya, taas oo si maalinle ah Kenya ugu hesho Malaayiin dollar inkastoo haatan inta badan la xiray badeecadaasi uu saameeyay xanuunka Corona virus.