Al-Shabaab oo Deegaanka Galhareer ku xukuntay labo ruux oo lagu eedeeyay kufsi.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay Maxkamad ay leeyihiin ururka Al-shabaab oo ku taalla degaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa xukuntay rag ay ku eedaysay inay kufsi ka gaysteen Degaankaas.

Labada Ruux ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Yuusuf Maxamed iyo Cabdifitaax Salaad Cabdi ayaa midkiiba ku xukuntay min 100 Karbaash maadaama aysan soo marin guur hore sida ay sheegtay Maxkamadda Al-Shabaab.

Maxkamadda Shabaab ayaa sidoo kale ragaasi ku xukuntay in degaanka muddo sanad ah laga masaafuriyay degaanka Galhareeri.

Dhanka kale goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay.