Wasiir Sabriye “Waxaa Guullo hordhac ah laga gaaray shirka Jabuuti oo lagu ballamay in..”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo hoggaaminayay Xubnaha Guddiga Dowladda ee wada hadalka Somaliland ayaa ka warbixiyay kulamadii ugu dambeeyay iyo go’aamadii ay ku soo kala tageen maamulkaas.

Sabriye ayaa sheegay in guullo hordhac ah laga gaaray shirka Jabuuti oo lagu ballamay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan, kana wada hadlaan sidii loo dhameystiri lahaa kulamada soo socda waxyaabaha miiska saaran.

“Shirka ujeedadiisu waa in dib loo bilaabo wada hadalka labada dhinac, waa howl adag, waana dadaalnay oo waxaa naga go’an ka gungaarista waxyaaaha miiska saaran ee guulaha horudhaca ah laga gaaray” ayuu yiri Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.

Guddiga DFS iyo Somaliland ayaa dib Jabuuti ugu laaban doono 15-cishe kadib, sida ku xusan warmurtiyeedka ay wadajirka usoo wada saareen labada dhinac ee kulanka 4-cishe qaatay ku yeeshay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirka gaarka ah ee u dhaxeeyay Guddiga ayaa mar ku dhawaaday in ay ku kala tagaan labada dhan, balse waxaa kusoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo ugu dambeyn sameeyay dadaalo lagu soo saaray warmurtiyeed uu ugu weyn yahay dib isugu soo laabashada.

Dhanka kale Wafdiga DFS ee ka qaybgalay shirkii Jabuuti ayaa xalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ay sameyn doonaan wada xaajood gudaha Dowladda ah, halka xubnaha Somaliland sidaas oo kale kulamo ay kaga arrinsanayaan kulankooda kan xiga ay bilaabayaan.