Nin haddii Naagtiisu Adiga kula tahay, Nokia Niicle, isaga waa u I phone=Nasashada Jimcaha. Q-205=

1-Wiil Ciyaalka Xaafadda ah ayaa Aroosay, Markii uu Todobada ka soo baxay ayuu Saaxiibadii ku yiri: Haddii aan mar hore ogaan lahaa in Raaxada Nolosheeyda ugu macaan ey isoo mareeyso Anniga oo qaawan, wixii dhar aan iibsan jiray iskuma khasaariyeen.
( Nin isaga oo da’ ah Wax barasho bilaabay, ayaa yiri: Haddaan ogaan lahaa in Cilmigu sidaan Iftiin u yahay, mar hore ayaan ka bixi lahaa Mugdiga Jahliga).
2-Nin Somaliya iyo Xaaskiisa oo UK degan ayaa Xaaskiisa oo Nairobi u soo Safreeysay waxa ey ku tiri: Gacaliye, maxaan Kenya kaaga keenaa?. Isaga oo la kaftamayo ayuu ku yiri: Gabar Kukuuyu ah iiga keen. Xaaskii weey safartay, 4 bil kadib ayeey soo noqotay iyada oo kaligeed ah. Ninkii ayaa ku yiri: Babe, Aawday Gabadhii aan kaa sugayay? Garba saarkii ayeey iska qaaday, Waxa ey ku tiri: Fiiri halkaan, Uurka ayaan ku sidaa ee sug 5 bilood ayaa dhimane.( F.S: 1aad)
( Iska jir, kaftanka Haweenka meela aan laga Marin ayaa jiro).
3-Wiil ayaa Hooyadii ku yiri: Hooyo been ayaad ii sheegatay, waxaad igu tiri, 60 Sanno ayaan jiraa waxaana dhashay Habeenkii Xuriyadda. Waxa ey ku tiri: waa Run Habeenkii Calan saarka ee Xuriyadda ayaa dhashay 60 Sanno ayaana jiraa. Wiilkii ayaa yiri: Maanta waxaan ka Maqalay Madaxda Dalka in Xuriyadii laga joogo 30 Sanno. Aabena hadda ka hor ayuu igu yiri, Madaxda warkeedu waa sharci. Markaa Hooyo, waxaad jirtaa 30 Sanno. ( F.S: 2aad)
( Siyaasiyiintu yeyna isku dirin Waalidka iyo Caruurta)
4-Islaan 70 Sanno jir ah ayaa lagu yiri: Kala dooro in Xalwo laguu iibiyo iyo in Nin laguugu Mehriyo. Waxa ey tiri: soow idiinma sheegin in aan Sokor qabo. ( F.S: 3aad)
( Xildhibaan aan weligii Salaad tukan, ayaa lagu yiri: kala dooro in Kursiga Beesha mar kale laguu doorto iyo in aad Salaadda Tukato, waxa uu yiri: Soow idinma dhihin, Jilba xanuun ayaan qabaa)
5-Nin ayaa Gabar lagu nikaaxiyay. Markaa ayuu Shiikhii wax Mehrinayay ku yiri: Imisa ayaad iga rabtaa?. Shiikhii ayaa yiri: Annigu Lacag Go’an ma qaato. Lacagta aan Qaato waxaan ku saleeyaa, hadba Gabadha aan mehrinaayo Quruxdeeda, Mid kastaa midda ey ka qurux badan tahay waa iiga Lacag badan tahay.
Wiilkii Gabadha lagu nikaaxinayay ayaa Shiikhii waxa uu siiyay $10. Shiikhii oo yaaban ayaa fiiriyay Gabadha wajigeeda, waxa uuna u soo celiyay $5. Wiilkii ayaa ayaa yiri: Maxaa dhacay oo aad u soo celisay. Shiikhii ayaa yiri: Annigu Xaqeeyga ka badan ma qaato.
(Nin haddii Naagtiisu Adiga kula tahay, Nokia Niicle, isaga waa u I phone)
6- Sabiriin ayaa tiri: Nin Bidaar leh oo aan Berri Shukaansan jiray, ayaa igu yiri: Sabiriineey Madaxa korkiisa ayaad ii saran tahay, Markaa ayaan Maddaxa ka dhunkaday kuna iri: Ma Madaxa Tintaada heey waayay ayaa Anniga i heey karo, Macallinka Maalintaas ayaa iigu dambeysay. ( F.S: 4aad)
( War Saabiriineey kaalay, Hadda soo arag, Timihii waa loo soo talaalaye)
Qore: Yahya Amir