Farxada Jacaylku Ma Aha Hantida!!!.

Cabdi Dubile waxa uu ahaa Nin Dhalinyaro ah oo ka shaqaysta Suuqa Bakaaraha, waxa uuna riixi jirey Gaari gacan uu ka Soo saari jirey nolosha Qoyskiisa oo ka kooban laba Caruur iyo Hooyadood.
Cabdi Dubile aad buu u jeclaa Xaaskiisa Faadumo Nuur, waxaana caado u ahayd in galab walba uu u sheekeeyo marka uu shaqada ka yimaado, ee uu soo qubeysto raashinka ay u diyaariseyna uu Calfado.
Waxa uu ku dangiigsan jirey ,gaari gacankiisa barxada yar ee ku hortaaley Cariishka ay ku noolaayeen.
Faadumo Nuurna inta ay soo qaadato Gambar ayey soo hor fariisan jirtey, iyada oo labada dhinacna ay ka joogaan Caruurtooda oo wiil iyo Gabar kala ahaa.
Markaa ayaa labadoodu Sheekooyin qiimo badan ay Wadaagi jireen, iyaga oo Farxada iyo Qosolka ka dhacaya ay dadka dariska ah ay layaabi jireen, sida labadan qof ay isugu baxdo iyo Kalsoonida ay isu qabaan.
Faadumo Nuur iyo Cabdi Dubile waxay ahaayeen laba qof oo aad isu jecel, guurkooduna ma ahayn mid la isu rabey balse iyaga oo garanayey qiimaha Jaceylka ayey is doorteen, cid walba oo isu diideyna waa ay ku gacan Sayreen.
Waxa ay Daris ahaayeen Qoys taajiriin ah, oo shirkado Ganacsi oo waaweyn leh, kuwaas oo deganaa dabaqa ka koreeyey Cariishka yar ee ay ku noolaayeen.
Ninka dabaqa leh Cabdiraxmaan maalintii oo dhan waa uu ka maqanyahay Guriga, waxa uuna ku mashquulsan yahay howlaha Kala duwan ee shirkadihiisa tirada badan.
Dhowr habeen ayey kula doodey xaaskiisa Xaawo in uusan Jeclayn , Kalgacalkana uusan ahayn in maalin oo dhan uu maqnaado uuna yimaado habeenkii isaga oo daalan, taasna ayna ahayn arin ay aqbali karto.
Waxayna si caro ku jirto ugu tiri.
“Anigu ma ihi dhaqaale doon ee waxaan ahay Jaceyl doon.”.
Isaga oo iskudayaya in uu qanciyo ayuu yiri
” Goorma ayaad i tusi qoyska aad sheegayso ee Jacaylka runta ah ka dhaxeeyo”.
Galabtii dambe ayuu Cabdiraxmaan ka soo hormarey xilligii uu shaqada ka imaan jirey, waxa ayna soo istaajisey daaqada dabaqa oo ay hoos u soo fiiriyeen, Cabdi Dubile iyo Faadumo Nuur oo qosolka iyo sheekada ka baxaysa aad ka garan karto Cishqiga runta ah ee ay kuwada noolyihiin, kaas oo aan waxba u ogeyn Hanti iyo dabaqyo mar haddii ay ku qanacsanyihiin noloshooda ayna ku faraxsanyihiin wada jirkooda.
Cabdiraxmaan waxaa ku Cadaatey Tallo waxa uuna Habeenkii oo dhan ka Fikirayey, Xaalada ka dhex taagan isaga iyo qoyskiisa, taas oo ka timid reerka Faqiirka ah ee ay dariska yihiin Jaceylkooda weyn.
Maalintii dambe ayuu qorshe la yimid waxa uuna u tagey Cabdi Dubile oo ay daris ahaayeen waxa uuna u sheegay in uu rabo in uu shaqo fiican siiyo, mushaar ku filana uu u qoro, isaga oo isku tilmaamaya in uu dhowrayo xaqa darisnimada.
Cabdi Dubile ayaa weydiiyey nooca shaqada la siinayo, waxa uuna u sheegey in ay tahay tirin iyo Hubin Lacag Shilin Soomaali ah oo aad u badan qol dhana ka buuxda.
Waa uuna ka ogolaadey isaga oo uga mahadnaqey una sheegey in uu yahay daris wanaagsan.
Cabdi Dubile waxa uu noqdey mid shaqada ku soo daaha inta badana soo raaca gaariga Cabdiraxmaan, mararka qaarna kadaba mara sida uu ugu jiro tirinta lacagta, xilli dambe ayaana waxaa keena gaariga Shaqaalaha.
Halkaa ayaa Cabdiraxmaan iyo Xaawo khilaafkoodii ku harey.
Iyada oo rumaysatey warkii uu ninkeeda u sheegi jirey ee ahaa in ninka dariska ah uusan haysan Shaqo Mashquulisa, oo uu Fursad u haysto la sheekaysiga Xaaskiisa..
WQ: Mohamed Farah Duurgal.