Dagaal Macawuusley iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaanka Yaaq-Bariweyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya kooxda Macawuusley iyo Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadka ayaa muddo socday sida dadka deegaanka ay Mustaqbal u sheegeen, waxaana kolkii dambe ku baxay Ciidamo katirsan DFS oo garabsiiyay kooxda Macawuusleyda ee dagaalka la gashay Al-Shabaab.

Kooxdaan ayaa ka aas-aasan deegaanno hoostaga Wanlaweyn, waxaana xubnaha hoggaanka u ah ay sheegeen in dadka deegaanka ay isu uruursadeen in ay la dagaalamaan Al-Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Kooxda ayaa ah dhalinyaro deegaanka ah oo badan dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah, waxaana mararka qaar ay garab ka helaan Ciidamada Dowladda ee ka dhaw meelaha ay ku sugan yihiin.

Al-Shabaab iyo Macawisley labaduba kama aysan hadlin waxyeelada ka dhalatay dagaalka ka dhacay deegaanka Yaaq-bariweyne ee Gobolka Shabeelaha hoose, sidoo kale DFS kama aysan hadlin.