Xuska Maalinta Istaatistikada Qaranka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho:-Wasiirka Qorsheynta Qaranka mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu hambalyeeyay Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradaha Qorsheynta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed Maalinta Istaatistikada Qaranka oo ku maanta beeggan.

Maalin Taarikhi u leh Bahda Xoggaha iyo Tirakoobka Qaranka oo 18 kii Juun 1970 markii ugu horeysey oo la Ansixsiyay Xeerka Istaatiskada Soomaaliyeed ayaa dib loo howl-galiyay xarunteeda.

50 sano kaddib ayaa maanta loo dabagaal daggayaa maalinta weyn Qaran jabkii kaddib, Munaasabd lagu xusyay oo ay ka qeybgaleen Madaxda Sare ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mas’uulyiin ka tirsan Hay’adda Dowladda, kuwaasi oo uga qeybgalay Muuqal Araga Internet-ka iyo Xarunta dhaxe Wasaaradda haatan ay ku howlgasho.

10-kii sano ugu dambeeyay ayaa lagu guuleystay, dib u unkidda Agaasinka Istaatiskada Qaranka oo hoos timaado, Wasaaradda, Diyaarinta Xeerka Hay’adda oo ah mid rasmi ah oo dhameystiran wax walbo oo tiirar ah, sidoo kale waxa ay ku guuleysteen sahamo iyo xog arruurin muhiim u ah dalkeena.

Agaasimaha Guud ee Istaatiskada Qaranka iyo xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka tilmaamay in ahmiyad weyn ugu fadhido maanta oo kale shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in maanta hay’adda Istaatiska Qaranka ay meel wanagasan soo gaartay, loona baahan yahay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dadaallka dhaxagalka u ah Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu hambalyo diirran u diray Shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaradaha Qosheynta Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed maalinta Qiimaha badan ee loo asteeyay Maalinta tirikoobka Qaranka.

Xeerka Istaatiska oo muhiimad u lahaa dalka ayaa horseedi doona in la helo hay’ad madax banaan oo hoos tagto Wasaaradda Qorsheynta oo soo saarto, Xoggaha Dhaqaalaha, Isbadalka sicirka suuqyada Wadanka iyo Tirikoobka Dadka.