Shirka Djibouti: Qodobadii la isku hayay oo guddi gaar ah loo saaray iyo Heshiis la gaaray.

Markii laisku mari waayay xaalad adagna ay galeen wadahadalada shirkii Jabuuti ee u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo a Somaliland waxaa lagu saxiixay heshiis.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka ah Maxamed Cabdi Sabriye, iyo Yaasiin Xaaji Xiir Fataroon, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa qalinka ku duugay heshiiska oo fahfaahin kooban laga bixiyey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo goobjoog ka ahaa madasha heshiiska lagu saxiixay, ayaa u mahadceliyey wafuuda labada dhinac oo uu ka dhawaajiyey inay ka go’an tahay helista xal la gaaro.

Dhinacyadda oo madasha ka hadlay ayaa soo hadal-qaadey qaar ka mid ah qodobada la isku mari waayey, wallow aysan si toos ah uga hadlin.

Ka hor inta aan la saxiixin heshiiska, Saciid Sulub oo ah wasiirka beeraha Somaliland xubinna ka ah guddiga farsamo ee dhinacyadda ayaa farta ku fiiqay qodob sababay in shirka burbur ku dhawaado.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, qodobkaas ayaa ah in leysku furo isu socodka labadda dhinac gaar ahaan inay isku gudbaan siyaasiyiinta xilka haya, arrintaas oo guddiga dhanka Somaliland uu ka soo horjeestay.

Heshiiska horudhaca waxaa lagu waramay inay ka mid yihiin qodobada: in la sii waddo wadahadalada iyo guddi loo saarayo heshiis laga gaaro qadiyadaha hawada, isu socodka iyo ammaanka.

Guddiyadaan farsamo oo xubno labada dhinac ka socda ay ka mid yihiin ayaa muddo 15 casho kadib waxay kulamo ku yeelan doonan Jabuuti.

Mareykanka iyo Jabuuti ayaa kaalin weyn ka cayaaray inay mar kale isa soo hor-fariistaan dhinacyadda kadib markii wafdiga Somaliland uu shirka ka baxay maanta kadib is-mari-waaga qodobka socdaalka.

Dhanka kale Wadahadaladda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo gooni u goosad ah tan iyo 1991-dii ayaa Sabtidii ka bilowday Jabuuti, waxaana isha lagu wadda hayay natiijadda ka soo baxda.