Qarax la eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland.

Warar dheeraad aha ayaa ka soo baxaya Qaraxa Nuuca Miinada Dhulka lagu aaso ah oo lala eegtay Gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Puntland.

Kolonyadan ayaa qaraxa waxaa lagula eegtay duleedka magaalada ganacsiga ah Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo qaraxa uu si gaar ah u qabsaday mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada oo Kolonyada qaybta ka ah,waxayna ku socdeen inta u dhaxeysa deegaanada Af Urur iyo Ceel-Doofaar ee isla gobolka Bari.

Ciidamada ayaa kadib waxay rideen Rasaas fara Badan oo Dhinacyada deegaanka ay ku rideen sida ay sheegeen Goobjoogayaal,Waxaana Qaraxa uu ahaa Mid Jugtiisa Si Xoogan loo Maqlay.

Dhanka kale Ciidamada Maamulka Puntland ayaa kadib bilaabay Howlagalayo ay sameeyanaan Goobta Qaraxa lagula eegtay iyo Duleedka Boosaaso,Waloow aysna jirin Cid si rasmi ah gacanta loogu dhigay.