Qarax ay dad rayida ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho:-3 ruux oo rayida ayaa ku dhimatay halka 3 kale ay ku dhaawacantay maanta oo Khamiis ah qarax miino oo ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta, Ismaciil Mukhtar Cumar ayaa u sheegay SONNA in Al-Shabaab ay bartilmaameysten dad rayida oo aan waxba galabsan oo saarna moota Bajaaj.

“Qaraxa waxa uu dilay haweenay iyo cunugeeda oo mooto saaran iyo qof wadada marayey halka 3 ruux kale ay dhaawacmeen, waxaa meesha maray gaadiid nooca ciidanka ah ilbiriqsiyo ka hor qaraxa”, Mr. Mukhtar ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay.

Afhayeenka ayaa cambaareeyey qaraxa isagoo adeegsaday erayada uga adag,waxa uu intaasi ku daray in aan la dhalaysan fariimaha amni ee la xiriir bed-qabka waddooyinka la adeegsanayo.