Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda iyo Argagaxisada.

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku sugan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa halkaasi waxaa uu kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo degaano kamid ah Galmudug ka howlgeli jiray.Madaxweynaha oo degmada Hobyo kula hadalay warbaahinta ayaa sheegay in degaannada hoostaga Magaalada laga sheegayay inay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Kooxaha Burcad Badeeda ,hayeeshee Galmudug aysan aqbaleyn ,isla markaana ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab.

Waxaa uu intaasi hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Galmudug in bulshada ku nool Gobolka Mudug looga baahan yahay inay noqdaan kuwo ilaashada amnigooda Galmudugna ay diyaar u tahay inay la dagaalantao Al-Shabaab iyo cid kasta oo lidi ku ah amniga.