Hadii hal dal la ahaa, maxaa kowda July 1960 loo midoobay, yayse ahaayeen labada qayb ee midowday xiligaas?

Hadii la doonayo in la kala go’o ama dib loo midoobo, soo kama horayso in marka hore Waqooyi oo mid ah (Somaliland) iyo Koofur oo mid ah (Somalia) la helo ? !!!
Reer koofur hadii aysan hal magaalo sida Gaalkacyo hal maamul u samayn Karin ayna diidan yihiin in ay mid noqdaan? Maxay macno samaynaysaa ku doodida Soomaali oo mid ah baan jecel nahay?
Soomaali weyn ma laba gobol baa? Soomaali wayn ma Shan Gobol baa sida xididta ka muuqato?.
Maxaa diidayo in Soomaali jaceylka qaarkeen sida weyn u aaminsan hadii aynu nahay reer Koofur ama qayb ka mid ah Waqooyiga in aan baadi goobno Soomaalida kale, gaar ahaan Jamhuuriyadda xorta ah ee Djibouti?.
Waa Su’aalo u baahan in si taxadir la isugu dul taago, gaar ahaan Aqoonyahanka si fiican u bartay Qaanuunka Caalamiga, Cilmiga Bulshada, Taraiikhda iyo Siyaasadda.
Gorfaynta Su’aalahan, waxba kama tarayso Caadifad Qabiil ama deegaan, ama qof Qabyaalad la xiiqsan. !!!.
Waa Dood weyn oo u furan guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan geeska Afrika taasoo ah Aayaha Qowmiyadda Soomaaliyeed ee aan doonayno in ay la tartanto Qowmiyadaha kale ee Bariga Afrika.
Hussein Sahnuni