Guddiga Doorashooyinka qaranka oo la kulmay Guddi Hoosaadka Arrimaha Gudaha Maamulada Gobolada dalka.

Muqdisho:-Guddiga Hoosaadka Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa la kulmay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ).

Iyadoo ajendaha kulanku ahaa in GMDQ laga dhageysto talooyinkooda ku aaddan Wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee uu hadda gacanta ku hayo Guddi hoosaadkani.

Kulanka waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xil. Maxamed Cabdulle Faarax “Geesey.