Afar qodob oo uu Muuse Biixi ka hadlay shirkii Jabuuti kaddib

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalkaasi Jabuuti oo ay kaga qeyb galayeen shirka wadahaddala u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Kulanka oo socday dhawr maalmood ayaa markii hore waxaa adkaatay in is-afgarad ka soo baxo sababo la xiriira qodobo xasaasi ah taasoo keentay in heshiis rasmi ah uu kasoo bixi waayo wadahadallada, inkastoo ugu dambeyntii xalay is-afgarad hordhac ah ay ku kala saxiixdeen guddiyada farsamo ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ku kala metalayay.

Muuse Biixi ayaa soo dhaweynta kaddib jeediyay khubad uu kaga hadlay wadahaddalada Jabuuti ka dhacay iyo qodobo kale. Waxaana ugu muhiimsanaa afarta qodob ee hoos ku xusan.

1: Dadka nala doodayay ma ahayn dad fahsan waqiciga jira

”Markii hore ayaan ku adkayanay oo aan niri haddii si dhab ah loo wadahadlayo hadalayo ama ha lagu heshiiyo ama yaan lagu heshiine.

”Waxaan ku niri inaga dooni mayno, ”walaalayaal iyo sawirro la iska qaado ee aanu si dhab ah u wada hadalno”

Xalay shirka waa lagu kala kacay balse dowladda Jabuuti ayaa gundtiga u xiratay oo diidday in lagu kala tago. Mareykanka iyo qolyihii kale ee shirka dhex-dhaaxinayay ayaa iyagana ku adkeystay inaanu lagu kala tagin.

Balse ugu dambeyn waxaa lagu heshiiyay shantan qodob:

1.Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

2.Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonida labada dhinac.

3.Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyay ee aan la hirgelin sida maalgelinta dhaqaale iyo gargaarada banii’aadanimo.

4.Waxay labada dhinaca soo saareen guddi ka wadahadli doono arrimaha hawada.

5.Waxay labada dhinac soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqeyn doono arrimaha nabadgelyada.

2: In caalamka uu kala saaro Soomaaliya iyo Soomaaliland

Madaxweyene Muuse Biixi ayaa sheegay in dadkii soo qaban-qaabiyay shirka ay kaga fadhiyaan iney kala saaraan oo aysan marnaba xal gaarin Karin iyaga iyo Muqdisho.

”Waxaan ka rabnaa iney nakala saaraan sababtoo ah inaga iyo xamar ma wada hadli karayno marka caalamka ayaan ka rabnaa iney dhex-dhexaad naga noqdaan oo maxkamd wadahadal nagu kala saaraan.”

3: Shirarkii hore ma ahayn kuwa dhex-dhexaad ah

Shirkii London ee 2012 ayaa lagu go'aamiyay in la billaabo wadahallada Dowladda Somaaliya iyo Somaliland

Shirkii London ee 2012 ayaa lagu go’aamiyay in la billaabo wadahallada Dowladda Somaaliya iyo Somaliland

”Waa shirkii ugu horreeyay marka laga soo tago shirkii London oo lagu heshiiyay in Sooimaaliya iyo Soomaaliland ay laba garab oo siman noqdaan marka ay wada-hadlayaan, balse qodobadii ka soo baxay looma helin meel fagaaro ah oo looga wadhalo shirkan ka hor waana sababta shirkan kaga duwan yahay kuwii hore.”

4: Si Soomaliland uu caalamka u dhageysto waa in dhibaatada gudaha la xalliyo

Shabkii soo dhaweynayay waftiga wadahaddalada Soomaaliland 

Muuse Biixi ayaa dadka reer Soomaaliland ugu baaqay iney xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, haddii ay doonayaan inuu caalamka wax u ogolaado.

”Walaalayaal waxaa loo baahan yahay inaan si caalami ah u fakarnaa oo aanu meesha ka saarno reer hebel, taasi marnaba inama caawineyso.”

”In habeenkiina qolo qolo xafiiska ugu shirno, mararka kalana aanu nihrano caalamku ayaan waxaan ka dooneynaa inuu na dhageysto meel ku gaarimeyno walaalayaal.” Haddii aanu dooneyno in caalamka wax inoo ogolaado waa in dhaqankeena laga arkaa inaanu diyaar u nahay inaan ismaamuli karno”.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay iyo kuwii taageerayba shirka, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay xisbiyada mucaaradka oo uu sheegay iney taageereen qodobadii shirk aka soo baxay.

Xigasho:BBCSomali