Wasiirka Warfaafinta oo qadka fogaan aragga uga qeyb galay Shirka Wasiirada Dalxiiska ee Carabta.

Muqdisho:-Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka qeyb galay shir wasiirada dalxiiska dowladaha carabta maanta ay ku yeesheen habka muuqaalka Internet ka.

Shirkaan ayaa Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS waxaa ku wehlisay Agaasimaha dalxiiska Wasaaradda Farxiyo Samaan, waxaana looga hadlay saameynta cudurka Covid-19 uu ku yeeshay dalxiiska iyo qaabka looga soo kabanayo.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa arrimaha dalxiiska Soomaaliya,inkastoo cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu saameyn ku yeeshey dalxiiska dalka,taasi oo uu kala siman yahay wadamo badan oo caalamka kamid ah.