South Africa: HAWLGAL VIRUS BUUFIN AH OO MAANTA KA BILAABANAYA XAAFADDA BELLVILLE.

Xilli uu Koroonaha Koonfur Afrika sii Kordhayo, gaar ahaana Cape Town ay noqotay halka ugu daran, Soomaalidana ay halis Caafimaad soo wajahday sida dhabta ah, ayaa waxaa u suurtagashay Jaaliyadda Soomaaliyeed inay Dowladda South Africa kasoo dhameeyaan in la buufiyo guud ahaan Xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Bellville, si ay u yaraato Khatarta cudurka Dilaaga ah ee COVID19


HAWGALKAN WAXAA ISKA KAASHANAYA Dowladda Hoose ee Western Cape,Jaaliyadda Soomaaliyeed oo Dhan iyo Hay’adaha Caafimaadka ee ku shaqada leh la Dagaalanka Coronavirus COVID19SA
Maanta (17 June 2020) ayuu si rasmi ah u bilaabanayaa Barnaamijka Badbaadinta Bulshada iyo Buufinta Bakteeriyada ah.
WIXII SOO KORDHANA ILA SOCDA….
Abdulrazak IndhaJaceyl