Magac bixin Ciidan!!!. (Faallo)

Waalidku Ubadkiisa waxa uu ula baxaa Magacyo Qurxn oo muujinayo Awood, sida Magacyada Carabta oo kale “Asad” oo ah Libaax, “Nimri” iyo ” Fahad” oo ah Nuucyada Shabeelka.
Sidoo kale Dowladaha ayaa Ciidamadooda ula baxo Magacyo Awood Muujinayo Sida Libaaxyada Africa, Asad ( F.S:1aad). ama Nuucyada Shabeelka ( F.S: 2, 3, 4). Gaar ahaan Labada Nuuc ee Hore ee No.2 & 3.
Laakin No.4 ayaa ah kan ugu liito saddaxda Nuuc ee Shabeelada loona yaqaan “Fahad” ama “Haram cas” Badanaa Ciidamada looma bixiyo magacaa ( F.S: 5 & 6 aad).
Haddaba Ciidamadeena Awoodda badan ee Geesiyaasha ah maxaa loogu bixiyay “Fahad” Af Carabiga ama “Haram cas” AF Somali?.
Maxaa loogu bixin waayay Magacyada saddaxda sare ee Awooda leh?. Annigu waxaan u bixin lahaa Libaaxyada. Adigana?.
Qore: Yahya Amir