Djibouti Wadahadaladii u socday Soomaaliya iyo Somaliland oo maalintii 4-aad galay.

Wada-hadalladii u dhexeeyey ergooyinka ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay weli ka socdaan dalka Jabuuti,iyada oo Maanta uu galay maalintii Afaraad loogana hadlayo arrimo dhowr ah.

Wada-hadallada ayaa waxay u socdaan guddiyo farsamo oo ka kooban 14 xubnood oo labada dhinac ah, waxaana goobjoog ka ah madaxda sare ee labada dhinac iyo dowladda Jabuuti.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in qodobada ay ka hadleen ay ka mid yihiin,sidii loo fulin lahaa heshiisyadii horay u gaareen Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo in aan la siyaasadeyn deeqaha Calaamka ee loogu talo galay Soomaaliya.

Dhanka kale shalay ayaa qorshuhu ahaa in kulamada socda War-Saxaafadeed laga soo saaro,hayeeshee dib ayuu u dhacay,waxaana wararka ay sheegayaan in maanta Warmurtiyeed ay Guddiyada soo saari doonaan.