Saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida oo gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho:-Ciidamada Qalabka Sida oo isugu jira xoogga dalka , Nabadsugida iyo Booliiska qaybaha ka howlgala Deeganada Galmudug iyo Hirshabelle iyo saraakiil sare oo ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan xili ay Ku guda jiraan howlaha nabad kusoo dabaalida Deegaanada Hoostaga Degmadan oo mudoba ay ka jireen Dagaalo dhex maray beelaha deegaanka wada dagan.