Hoobiyaal xalay lagu weeraray Xerada Ciidamada Jabuuti ee magaalada Baladweyne.

Saldhig Militari oo ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Dowladda jabuuti ayaa xalay lagu tuuray ku dhawaad 5-Hoobiye sida ay sheegayaan dadka Deegaanka.

Xaafadda Howlwadaag oo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Baladweyne Xerada ay ku leeyihiin Ciidamada Jabuuti waxaa laga maqlayay jugta madaafiicda la sheegay in lagu tuuray Xeradaan, sidoo kalena waxaa la maqlay rasaas ay ridayaan Askarta AMISOM.

Lama oga haddii ay jirto waxyeelo gaartay Ciidamada Jabuuti ee AMISOM, maadaama ay adag tahay in xog laga dhex helo Saldhigga Askartaan ay leeyihiin oo ka xadidan dhaq-dhaqaaqyada dadka gudaha u galaya.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay suuragal tahay in waxyeelo ay gaartay dadka rayidka ah ee kaabbiga ku haya dhismaha Xerada Ciidamada Midowga Afrika ee Baladweyne ku sugan.

Dhanka kale Ciidamada AMISOM, waxaa la maqlayay Hoobiyaal iyo rasaasta fudfudud oo ay ridayeen, lamana oga haddii ay sababeen waxyeelo gaartay Dadka shacabka ee Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.