Guddiga Farsamo ee wada hadalka DFS iyo Somaliland oo guda galaya qodobo muhiim ah.

Wararka ka imaanaya Shirka dhab u heshiinta Soomaaliya iyo Somaliland,xubnaha Guddiga farsamo ee u badan Wasiirada ayaa guda galaya kawada xaajoodka qodobo xasaasi ah oo miiska saaran.

Xubnahaan waxaa la dardaarmay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi iyaga oo ka codsaday in si dhab ah u gorfeeyaan dhammaan caqabadaha kala geeyay siyaasadda labada dhinac.

Dhanka kale saacadihii lasoo dhaafay xubnaha Guddiga ayaa dhexdooda wada hadal ku yeeshay Dalka Jabuuti si ay kaga hadlaan qodobada labada dhinac ay u arkaan inay noqon karaan caqabadaha loo baahan yahay in laga gudbo.

Si dhab ah uma looma soo gudbin qodobadaas, balse qaarkood ayaa ah in Xubnaha labada Guddi ay dib u eegis ku sameeyaan waxyaabaha ka hirgeliyay heshiisyadii hore, waxyaabaha aan fulin, kuwa dhaqangalay, qorshaha Somaliland, hiigsiga Dowladda iyo kuwo kale.

Labada dhinac waa guddiyadee waxaa kala hoggaaminaya Wasiirada Arrimaha Gudaha DFS iyo kan arrimaha dibadda Somalilland Yaasiin Faratoon, waxaana ku wehliya Wasiiro labada dhinac ka kala tirsan.

Marka la eego baaxadda shirka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dadaal xooggan geliyay sidii isfaham muuqda loogu dhameyn lahaa wada hadalka ka socda dalkiisa.

Warbaahinta Jabuuti ayaa sheegtay in xubnaha Dowladda dalkaas ay la shaqeynayaan madaxda iyo xubnaha Guddiyada ah si loo fududeeyo ka gudubka Caqabadaha siyaasadeed oo ah jidgooyooyinka la doonayo in laga gudbo si shirka uu u noqdo mid mira dhala.

Shalay waxaa kulankii ugu horeeyay Guddigaan daah furay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi waxa ay kula dardaarmeen in si daacadnimo ku jirto loo gorfeeyo qodobada culus si aan guul darro ugu imaan shirka.

Marka la eego qodobada horyaalla guddigaan waa kuwo u baahan in ay isla meel dhigaan, waana kuwa go’aamin kara natiijada shirkaan, maadaama gunta loo galayo cabashooyin waqti dheer taagnaa si xal loogu helo.