Geeri Naxdin leh: Safiir Ciise Dheere: Ma dhiman ee waa dhuuntay

ALLAHA U NAXARIISTO AMBASSADOR Ciise Dheere oo maanta magaalada muqdisho ku xijaabtay. Safiir ciise Cali Maxamed waxuu ahaa nin aad loo jecelyahay, ku caan ahaa Wasaaradda Waxabarasha halkaas oo macalin ka soo ahaa, Ururkii dhallinyarada iyo Ceel Jaalle, ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo madaxtooyada Soomaaliyeed.
Geeridu waa xaq allaha samir iyo imaan naga siiyo si gaar ah waxaan ugu tacsiyeeynaynaa ehelada iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday iyo Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan marwadii uu ka geeriyooday Madina Mohamed.

Madaxda iyo Maamulka Idaacadda Somaliweyn waxay Tacsi u dirayaan ehelada iyo Qarabadii uu ka tagay Marxuum Ciise Dheere oo taariikhda Soomaaliya Baal dahab ah ku lahaa.
Allaha ka waraabiyo janada fardowsa aamiin.