Al-Shabaab oo meel Fagaare ah saakay ku toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu horay dil u gaystay.

Beledweyne:-Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan waxay saakay ku dileen nin ka tirsanaa dadka deegaanka.

Al-Shabaab Ninka ay saakay toogteen waxaa lagu magacaabi jiray Daa’uud Aadan Muumin, waxayna ku eedeeyeen inuu horay gobolka Hiiraan ugu dilay nin kale.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa shacabkii la isugu keenay fagaarihii ay toogashadu ka dhaceysay waxa uu u sheegay in Daa’uud uu horay u dilay nin lagu magacaabi jiray Qeyleey, isla markaana ehelladiisa ay dalbadeen in loo khisaaso.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan marar badan ka fuliyey dilalka nuucaan oo kale ah, waxayna badanaa dadka ay ku dilaan fagaareyaasha ku eedeeyaan basaasnimo.