Madaxweyne Deni oo maanta khudbad ka horjeedinaya Baarlamaanka Puntland

Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah ka furmaya Xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee Caasimadda Garoowe.

Furitaanka Kalfadhiga waxaa ka qayb-galaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo labaduba Khudbado ka jeedin doona Kulanka.

Ajandaha Kalfadhigaas waxaa ugu muhiimsan La xisaabtanka Xukuumadda iyo dhammaystirka iyo Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah oo Puntland aysan horay u lahaan jirin taasi oo muhiim u ah Hannaanka Xisbiyada badan.