Ciidamada AMISOM oo howlgal balaaran ka wada Degmada Balcad ee G/Sh/Dhexe.

Saldhig Ciidamada Midowga Afrika ee ku howlgalka Magaca AMISOM gaar ahaan kuwa Dowladda Burundi ay ku leeyihiin Degmada Balcad waxaa xalay weeraray Al-Shabaab.

Dadka degmada waxay sheegeen inay maqlayeen Madaafiic ku dhacaysay agagaarka Xerada Ciidamada AMISOM, halka dhankooda ay jawaab bixinayeen Ciidamada Burundi ee xiran Koofida Cagaaran ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidamada Burundi ayaa saakay howlgal ka wada Degmada Balcad iyo duleedka degmadaas oo ay saldhigyo ciidan ku leeyihiin sida ay sheegeen dadka Deegaanka.

Askarta ayaa Midowga Afrika ayaa baareysa goobo la sheegay inay ku dhaceen madaafiicda lagu soo tuuray, inkasta oo ay adag tahay in la ogaado khasaaraha gaaray Ciidamada Burundi ee ku jira howlgalka AMISOM.

Dhanka kale Degmada Balcad maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhay weerarada ay ka geysanayaan Al-Shabaab, Habeen ka hor waxay Al-Shabaab sheegteen inay weerareen Bar kontorool oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda.