Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya qodobo dhowr ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in kulankii labaad ee Kal-fadhiga 7-aad ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee H/Sharciyeedka Nootaayooyinka, kaasi oo horey Akhrinta Koowaad loo marsiiyay, waxaana marka laga raabo Maanta sharcigaas u hartay hal maalin, iyagoo kadibna la ansixi doono.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu kulan jiro, isla markaana laga doonayo inay soo xaadiraan kulankaas, si loo dardar geliyo howlaha shaqo ee horyaalla Golaha.