Wafdiga Somaliland ee kan qeybgalaya wada hadalka Jabuuti oo magaalada Hargeysa ka safray.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport waxaa 8:30 AM ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si ay u gaaraan Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xubnaha wafdiga ayaa raacay diyaarad gaar ah oo ay usoo dirtay Dowladda Jabuuti, waxaana garoonka diyaaradaha dalkaas ku sugan xubnaha loo xilsaaray soo dhaweynta wufuudda ka qaybgaleysa wada hadalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in ay ka qaybgalayaan wada hadalka, isla markaana ay is arki doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biix.

“Madaxweynaha waxaa safarka ku wehliya Guddoomiyaha Golaha Guurtida, afar wasiir iyo Adna Aadan oo qaabilsan wada hadalka, shirka aan ka qaybgaleyso waxaa si wadajir ah usoo abaabulay Dowladaha Jabuuti iyo Mareykanka” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Dhanka kale waa is araggii labaad Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi oo ay wada yeeshaan, kulankii ugu horeeyay ee labada mas’uul wuxuu ka dhacay dalka Itoobiya.