Shirka Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland oo ka furmay Jabuuti+Sawirro

Muqdisho:- Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Soomaaliland, iyada oo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Shirka waxaa ka qeybgalaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi kale oo uu horkacayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirashid Maxamed Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo si weyn loogu dhaweeyey.