RIYADA IYO NOLOSHA!!!. (Faallo)

Raaxo nololeed ayaa isu daba gashay, hanti noocay ahaataba ilaahay wuu siiyey, guryo waaweyn , dabaqyo ,Baabuur iyo Shirkado ganacsiga kala wada, wax dhiba ma uusan arag.
Goor galab ah ayuu baabuurkiisii soo qaatey, si uu u soo kormeero shirkadihisii ee Magaalada bartamaheeda ku yaaley, wuxuuna soo qabsadey wadadii dheerayd isaga oo si xawli ah ku socda.
Wax yar kadibna waxaa meel dhow uga soo baxay baabuur Tarele ah oo gabigiisiiba kor marey…Aa…Aa..Aaa Waa uu soo boodey Xasan yare markaa ayuu soo fariistey isaga oo leh.
“Ducadeydii illaahay waa waa iga aqbaley illaahoow riyo iiga dhig ayaan iri.
Xaaladaha adag ee qofka soo wajaha ayaa mararka qaar keenta in qofku uu qalbiga ka dhaho.
“Illaahow tan riyo iiga dhig”.
Balse laga yaabaa in markaa uu runtii wajahayo oo ay riyo ka fogtahay .
Haddaba dadka qaar ayaa riyooyin xunxun ku riyooda, halka ay kuwo kalana ay riyo farxad leh, barwaaqo iyo nolol wanaagsan oo ay wax walba ku haystaan ku helaan hurdada.
Xasan yare ayaa Riyada ku tilmaamey in ay tahay mid nolosha horumar u leh..waayo buu yiri.
“Wakhtigu waa habeen iyo maalin haddii aan maalintii dhib ku jiro, waxa aan habeenkii hurdada ku haystaa wax walba oo aan adduunka uga baahanahay, xataa waji ahaan ayaa la iga garan markaan soo tooso”
Si kastaba ha ahaato ee Riyada ayaa lagu kala duwanyahay waxa keena.
Dadka qaar ayaa aaminsan in Riyadu ay ku timaado waxa uu qofku ku fikiri Maalintii..ama Maskaxdiisu ay isku hawsho inta uu soo jeedo,markaana ay dib u soo tufto habeenkii hurdada iyada oo filin ahaan ugu daarto inta uu ku jiro hurdada.
Halka kuwo ay ku tilmaamaan wax ku dhici doona qofka riyoonaya ama cid kale oo u dhow ama qaraabo la ah.
Balse waxa ay dhabtu tahay si toos ah la isuguma raacsana, iyada oo xilliga uu qofku ku jiro nolosha macaan ee Riyada ah ay tahay Waxkhti yar oo Kooban kaas oo sida biriqda ku dhaafa.
W.Q. Mohamed Farah Duurgal.