Maamulka Puntland oo dalbaday in laga qeybgaliyo Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay Afhayeenka madaxtooyada Puntland wuxuu ku sheegay in haddii aan laga qaybgalin Dowlad Goboleedka Puntland wada hadalka Somaliland aan ka soo bixi doonin Natiijo wanaagsan.

Sababta waxa uu ku sheegay inay xuduud wadaag la yihiin, dhib iyo dheefna ay wadaagaan, isla markaana ay kaga xog dhaw yihiin Dowladda Federaalka oo masaafo ahaan ka fog halka ay ku sugun tahay sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in marka laga hadlo xaqiiqda wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland in lagama maarmaan Dowlad Goboleedka Puntland u tahay, maadaama xogo iyo macluumaad dheeraad ah ay hayaan.

Afhayeenku wuxuu Gaashaanka ku dhuftay natiijo waliba oo ka soo baxda kulanka Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Somaliland ee maanta ka furmaya dalka Jabuuti.

Puntland iyo Somaliland waxay ku dagaalameen marar kala duwan Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay kala sheeganayaan in deegaan ahaan ay maamulaan, waxaana xiisadda labada dhinac ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale Somaliland waxay horay ugu hor timid in wada hadal ay qayb ka tahay Dowlad Goboleedka Puntland, Dhanka Puntland waxay xujo ka dhigeysaa in laga qaybgeliyo wada xaajoodka.