Kula lihi Weybtii V Qalinkii Xusseen Wadadd

Kuye: ”Alalaaska baxayaa waa Aroos”.

Kolleey, anigu hadda ma maqlo waxa uu maqloAlalaas kastaahise Aroos maahan”.

Waxaa kale oo aan weydiiyayOohinta iyobarootiina xeey ahaayeen”? Kol haddiiba aad ka hadleyso wax maanka dib u soo rogay.

Ma isaga ayaaba is waalayba, aayar kuyeWarmoogoow, ma waxaad moogtahay in oohinta iyobaroortu yihiin Geeri dhacday uun?

Waxaan maqli jirayBaroorta orgiga ka weyn”, ”Oohin kastaahina geeri ma tilmaanto”. Mar-marnaIlmadu waxeey noqotaaIlmadii Yaxaaska”.

Aan diirka tu kale ka rogee, adigu, weligaa maaragtayCanug ooyayo oo qofkii ka oohiyay, haddana sasabayo”. Xaad hee u sasabee Muluq aadadigu ka oohisay? Haddii aad sasabeeysana xaad heemugga hore uga oohisay?

Kor u kac minaad rabto, kor iyo hoos waa uun iskumid. ”Daalac-Naasilkuna meel kastuu yaal”!. Adigu, Ha dayin uun hoostaada ee ishaadu ha gaarto meelfog. Yaanan ka tegin e waxaa jiray Halqabsi ah Ishaan meel fog wax ka arageey dhac. Kolleeyanigu, ma garan waxa ishaas loo ridaayo. Waxaanseis leeyahay aragtidu waa ka qoto dheertahay il la rido.

Soow kulama ahan in la dabiibo ishaan meel fog waxka arag oo koleey ku tahay xitaa Ookiyaal loo xiro. Ma ogi!.

Maankaaguna, waa in uu faalalka bartaa. Fikirku, waa muhiimwaqti iyo meel walbaaba”.

Kan kabaha-weyn een arkaayo usna maxaas rabaana? Maxaase aas ahaay? Wejigiisa fiiri bo, waaba na sookuurooyaa! Wejigaa gubay dheh.

Waxaa i weydiiyay mid ka mid ah kuwii ila socday. Waa mid wax garto, oo maanka dib u rogrogay, indhahana kala feyday. Waa Jaalle wax Gartay, Ma isaga uun baa arka Kabaweyne, mise? Yaaba kaloohadlayba. Intooda badan ma iyagaaba wax arka, waxna maqla?

Waxaan ku iriWaaba iftiin iyo rajo cusub, haddiibaaad gadaal dhugan kareyso”. Gadaal dhugashaduwaxeey kuu sahashaa in aad aragto Rabta aad joogto, kuuna sahashaa in aad saadaashato mustaqbalkaaga. Gadaal dhugashadaadu waa garashada aayahaaga.(Waxaan ka xigtay Prof.Cali Jimcaale Axmed).

Kolkaan halkaas isla mareyno kii i weydiiyay Kaba-weyne, ayaa mid ka mid ah indhoolayaashii soobooday isaga oo lehWarkiina dib u dhigta e, Waxaan cunno ma heysaan”?.

Yaa uu wax u dhiibtay? Adiga wax ma kuu dhiibayaymise kugu darsaday?

Waxa la cunaahi waa Dalag  ka baxay Beer, soowmaahan sax middaasi!, Haddii aad ila ogolaatay taasi, Hilibka iyo Caanuhuna waa dhaqasho xoolaad. Qofkii aan Beer Falan, xoolana dhaqan, Maxuu rabaain uu cuno?

Kuye: Ma ogid miyaa tirakoobkii lagu sameeyayXoolaheenna in aan dunida ka galnay kaalinta 2aad, Dalagga aad sheegeysana soow kan ka buuxoBaqaarrada ADC oo meel la kala dhigo la la’yahay?

Yaa gartay warkiisa?

Aniga, waxaa igu soo dhacay in uu la mid yahayninkii wax uu arko ugu dambeeysay Bakeyle oowax kastaa oo la sheego lahaa Bakeyle siduu ka yahay”.

Kani mar hore aas hurday, waxaas ka harayAsxaabul Kahf”, hadda aas nagu soo nibdaaday, Miskiin alloow waaye, unun warkiisa kuma jirno eeii wad sheekadaKabaweyne”, waxaa saas yiriJaalkii igu cusbaa ee arkay Kabaweyne.

Sheekada Kaba-weyne,waa sheekoSheekadunawaa sheegis..Sheegistuna waa hummaagan tahay. Hummaagna kuma ekee waa sarbeeban tahay. Kaba-weyne,Xaalkiisu, waa uun soo xeydxeydashocusub.Waa goormaa? Waa goorXeero iyo Fandhaalkala dhaceen”. Maxaa laga gaaraa? Ma ogi, laakiinwaxaan maqli jirayHaruub daatay Caanahahambadaa la qaban jiray”  Ereyadaan waxay ku jireenHees ku jirtay RuwaayaddiiBeeneey waa Run”ooila noqoneyso Rajadu ha taagnaato. Waa uun inta hartay ha la badbaadsho.

Is daba-qabashadu, waa horseedka jiraalkaaga. Qirashada Guul-darradaada waa horseediddaGuushaada dambe.

Macallin,  Ma kasooyi warkaas? Waxaa saas i lehwaa Jaalle, waxa uuna daba dhigay (Waxaad nagunaqday XilligiiCub iyo Cirka” iyo falsafadihiiGiriigga).

Adiga Jaalloow, dulqaad yeelo.

Hadda timaha hal dhinac ayay u xiirmaan.

Jaalle ,Haa, laakiin Cub iyo Cirka maxaa keenay?

Iyaduna waa qiso dheer oo aanan isla soo koobikarin, waxaa ka qoran Buugaag badan.

Kaba-weyne, waxuu i leeyahay Aaway Abaalkii aanku gashtay?

Kuwaas, wax warsan maayee Jaalle adigu maogtahay abaalka uu sheegaayo?

Ma kasin, ee adiga maa deyn ka qabto? Kuurmadiisaaanba ka shakiyay ani e!.

Ar amuu adiga kugu leeyahayba?, Zamankaa ah saasee adiga weligaa wax ma dishay oo ma is difaacday?

Hadda leeba ka dartay seed u fiicneyd warkaas maadhadda keentay. Ani dhiig dadoow maxaa ii keenay ooluqunta ii gelihaayo. Jaalle ayaa saas yiri. Waxa uunasii daba dhigay ”Ha moodin, ani Biiq ma ihi”. Ununka waxaan qabnaaNabad aa Naas la Nuugaleh”.

Waxaan iri: Jaalloow, haddiiLibaaxu alamtara soodhaafo ka warran”?

La soco Q 6aad

Hussein Wadaad

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com