Cismaan Tahliil “Waxaan dhaliilay waqtiga lagu soo beegay wadahadalka oo ah xilli dalka uu ku guda jiro diyaargarow Doorasho..”.

Cismaan Muxyadiin Shaatax (Cismaan Tahliil) oo ah Guddoomiyaha Dallada Bulshada Rayidka ee SONSA oo la hadlay Mustaqbal waxa uu sharaxay aragtida ay ka qabaan shirka wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland ee maanta ka furmayo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waa uu soo dhaweeyay inay kulmaan labadaan dhinac si loo helo midnmada Soomaaliya, balse waxa uu dhaliilay waqtiga lagu soo beegay oo ah xili dalka uu ku guda jiro diyaargarow Doorasho.

“Wajiyo badan ayay soo mareen wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, aragtideeda waan soo dhaweyneenaa wada hadalka, waana muhiim in miiska lagu dhameeyo wax waliba oo la kala tirsanayo, balse marxaladda maanta dalka ee lagu soo beegay muhiim ila ma ahan, dalka Doorasho ayaa laga hadal hayaa, waxaana ay ahayd in xoogga la saaro doorashada” ayuu yiri Guddoomiye Shaatax.

Waa uu sii hadlay Shaatax wuxuuna yiri “Wada hadalkaan ila ma ahan inay saameynayaan Doorashada, haddii arrintu sidaas ahayn waxaa habboon in dib loo dhigto, lana guda galo arrimaha doorashada ee walwalka laga muujinayo”.

Dhanka kale muddo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka dhiman saddex bilood, halka waqtiga Madaxweynaha uu ku siman yahay 8-da Febaraayo 2021-ka, waxaana si isdaba-joog ah waayahaan warbaahinta ula hadlayay Xisbiyada Mucaaradka oo walwal ka muujiyay Doorashada dalka, inkasta oo Madaxweyne Farmaajo 6-dii bishaan shaaciyay in ay dhaceyso.