Wafdi ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland oo ku kulmaya dalka Jabuuti.

Warar ay heshay saxaafadda ayaa sheegaya in Madaxda ka qaybgalaysa wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, ay todobaadka soo socda ay degi doonaan wadanka Djibouti.

Wufuudda labada dhinac oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa Toos u kulmi doona xilliga dahadalka, waxaana goob joog ka noqonaya dawladda Maraykanka, Midawga Afrika, Midawga Yurub, iyo xubno beesha Caalamka ee kale ka socda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa horraantii Sanadkan baarlamanka ka sheegay in Somaliland ay kula xaajoon karto Soomaaliya Meel ay beesha Caalamku goob joog ka tahay,waxaana ay u muuqataa in taasi la tixgaliyay.

Xubnaha la filayo inay Soomaaliya iyo Somaliland ku matalaan kulanka Jabuuti:

Dhinaca Somaliland:

1- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

2- Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan

3- Wasiirrka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon

4- Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin

5- Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub.

Dhinaca Soomaaliya:

1- Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

2- Raysal-Wasaare Xasan Cali Khayre

3- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh

4- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.

Ma jiraan weli xogtaasi ka dheer oo laga helay kulanka.