Dagaal xooggan oo Saakay ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wararka aan ka heleyno Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii waaberigii hore ee saakay ay Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen Bar Koontarool oo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gudaha Balcad gaar ahaan wadada aada dhinaca biyo-xireenka Degmada.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Balcad, isla markaana ay weli maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isdhaafsanayaan labada dhinac.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu geeriyooday Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo magacaabiisa lagu soo gaabiyay Kac-kac.

Xaaladda Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa saaka waxaa ay tahay mid kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas Goos-goos ah, welina ka jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidanka ee ku sugan halkaas.