Wasiirka Maaliyadda XFS oo soo saaray Gabay Waa waano, hoga-tusaalayn iyo Allabari.

Bisinka Eebbe ayaan ku bilownay. Saaka oo ay tahay maalin suubban oo Khamiis ah, bishii calankuna tahay kow iyo toban, Sanndkan, 2020. Nabad iyo naxariista ilaaheenna Weyn (SWT) ayaan Somaaliyeey idiin rajeyenayaa, meelkasta oo ad maanta ku sugantihiin iyo wax kasta oo aad ku miyantihiin. Waxa an saaka damcay in aan idinku sooryeeyo heeska la yidhaa: *Allabbari*
Waa waano, hoga-tusaalayn iyo Allabari.
Ku soo dhawaada:
Adduunyadan salkeedii
Halka ay ka imatiyo
Aagga ay ku socotiyo
Unuggeeda baandhee
Abuurkeeda faallee
Waxay tahay bal ila eeg
Barqadiyo aroorteeda
Qorraxdiyo ilayskeeda
Nuurkiyo ilwaaddeeda
Sidaa aad u aragtaabay
Kuugu soo iftaayoo
Indhahaad la raacdaa
Arllada oo madoowiyo
Gudcur oodda soo rogay
Habeenkoo am yidhi iyo
Aaraadam baa xiga
Ani ula egtaydii
Ilaa aamanuubay
tabtaa soo ahaydoo
Wakhtigu is eryanayoo
Weedhii ilaah iyo
Iqra iyo watiiniyo
Amarbbay ku socotaa
Waxay tahay ujeeddadu
Haddaad maanta adagtahay
Awood buuxda leedahay
Ereygaagu suganyahay
Naftu waa ammaanee
Weligaa ogsoonoow
Adeeroow walaaloow
Iilbbaa dambbeeyee
Dembbi iyo ha gelin eed
Aaqilo ha sii dhigan
Irriddana ha soo xidhan
Dadka haysku aanayn
Afka haysku wada gelin
Hana amar ku taagllayn
Ummaddana ha ceebayn
Waxan ugalabjeedaa
Qof abaalki loo galay
Wacadkii Ilaahay
Sidu yahay u oofshoo
Lagu aamminaa jira
Mid samaan arrimiyoo
Bulshada u adeegoo
Aafaadka demiyoo
Ku ammaanan ba jira
Soo ururi sheekada
Afagaalle iyo dayr
Kulan awliyaad iyo
Arbacaynnu joognnaa
Cirka bari ka oogsadayna
Sida ayro geelbuu
Soo ololayaayoo
Waa ayaamo khayr badan
Adiguna Ugaasooy
Alla bariga fiidkii
Ducadiyo ishaarada
Afka gacanta saar saaroo
Soo ululugeeyoo
Aammiinta ila raac
W/Q: Wasiirka Maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.