Qofkii Doorsho ku yimidna, Doorasho waa ku xanuunsan karaa=Nasashada Jimcaha .Q-204-aad=

1- Nin Muran Badnaa ayaa Maalin u yimid Imaam Shaafici. Waxa uuna ku yiri: Imaamoow, Ibliis waxaa laga Abuuray Dab,Hadana waxaa Allaah nagu yiri: waxaa lagu Cadaabayaa Dab, Muxuu Dab, Dab kale ka dhibayaa?.
Imaam Shaafici , Xoogaa ayuu Fikiray. Kadibna wuxuu soo qaatay Kuus yar oo Carro Dhoobo ah oo Qalalan. Ninkii ayuuna Wajiga uga dhuftay, Wajigiisa ayaa Bararary, Ninkiina wuu carooday. Imaamkii ayaa yiri: Ma carootay?. Ninkii ayaa yiri: Haa, waan xanuunsaday. Imaamkii ayaa yiri: Sideed Dhoobo ugu xanuunsanee, Adiga oo ah Makhluuq Dhoobo kale laga abuuray. Sidee, Sheydaanka oo Dab laga Abuuray uuna Dab ugu xanuunsaneyn? Ninkii ma jawaabin, waxa uu fahmay ula jeedadad waana iska tagay, markuu ogaaday in Adiga oo dhoobo ka sameeysan ey hadana dhoobo ku dili karto. ( F.S: 1aad)
(Qofkii Doorsho ku yimidna, Doorasho waa ku xanuunsan karaa)
2- Nin Reer Gaalkacyo ahaa, ayaa Dhakhtar u tagay, Baaritaan kadib waxaa laga helay Calooshiisa Gooryaan iyo Bakteeriyo kale , Dhakhtarkii waxa uu u qoray Kaniini, waxa uuna u sheegay Saacadaha uu cunayo. Maalmo kadib ayaa Ninkii waxa uu u yimid Dhakhtarkii waxa uuna ku yiri: Daawadii waan soo dhameeystay. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Waqtigii aan cun ku iri, ma u cuntay? . Ninkii ayaa yiri: Maya. Dhakhtarkii ayaa yiri: Sabab? Ninkii ayaa yiri: waxaan Cuni jiray Saacad ka hor waqtigii aad ii sheegtay, waxaan Rabay in aan Bakteeriyada ku kadiyo.
(Doorashada waqtigeedii ha lagu qabto la leeyahay, amaa la isku kadiyaa, oo la soo hor mariyaa, Beesha Caalamka wax kasta ka filo).
3-Qol ka mid ah “ MUSEUM –ka” Taariikhda Sawirada lagu keydiyo ee Magaalada Madrid ee Dalka Spain, ayaa waxaa yiil Sawir Gacmeed loo yaqaan Sawirkii Yuhuuda, Kirishtaanka iyo Islaamka, kaa oo muujinaya Nin Yuhuud ah oo ku dul taagan Nin Kirishtaan ah oo isna ku sii dul taagan Nin Muslim ah.
Kirishtaanka Reer Spain kama Xanaaqi jirin in Yuhuudu ku dul taagan tahay, Hadeeyba iyagu Muslimka ku dul taagan yihiin, Sida Sawirku muujinayo .Maalin ayaa Museum-kii waxaa yimid Dalxiise Yuhuud ah, aad ayuuna uga carooday Sawirkii.
Waxaa lagu yiri: Maxaad u carootay, Adigaaba ugu Sareeyo oo Dadka dhan ku dul taagane? Waxa uu ku jawaabay: Laakin Sawirku waxaa kale oo uu muujinayaa, Maalintii Muslimku istaago, Labadeenuba in aan Dhulka ku soo Dhaci doono oo aan burburidoono. ( F. S:2 ).
(Nin Xildhibaan ah ayaa yiri: Annigu uma codeynayo in Mogadishu ey yeelato Maqaam iyo Maamul u gaar ah, haddii ay u istaagto inay maamusho, Dekadeeda , Airporkeeda iyo Dakhliyadeeda kale , Xageen Mushaar ka helayaa? Waa gar inay Maamul yeelato Laakin, Biilka meel haley saaro).
4- Nin Bakhiil ahaa ayaa Saaxiibnkii ku yiri: Anniga Covex 19 si xun ayuu ii khasaariyay. Makii uu yimid Cudurka Coronaha ayaan Qooyska oo dhan u soo iibiyay , Mask-ga Sanka lagu xirto iyo Daawada Gacmaha lagu dhaqdo oo qaali ahaa. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Maxaad ku khasaartay? Bakhiilkii ayaa yiri: Qooyska oo dhan Corona kuma dhicin, Lacgtiina waa iga baxday, soow ma khasaarin.
( Xildhibaan Bakhiil ahaa, ayaa waxa uu dib ugu celiyay Dukaan uu ka soo gatay Cimaamado, Koofiyaal iyo Baakooro. Waxa uuna ku yiri: waxaan ugu tala galay Odayaal Adeeradeey ah, in aan siiyo si ey dib iigu doortaan, haddase Xisbiyaal Siyaasadeed ayaa wax dooranayo. Dukaanlihii ayaa ku yiri: Maad ku sadaqeysatid Odayaasha Adeeradaa ah. waxa uu yiri: Maya kuwaa Waqtigoodii ayaa dhacay ee Qiimihii hore bar ii celi).
5- Nin Reer Cadaado ahaa oo Damac badnaa ayaa waxa uu dhisay Masjid, muddo kadib ayuu Arkay Dad fara Badan oo Salaad kasta Masjidka ku sii Qulqulayo. Ninkii ayaa Imaamkii u tagay kuna yiri: Fadlan Masjidka iyo Macaamishiisa igu soo wareeji, Makhaayad ayaan ka dhigayanayaa, Adigana mid kale ayaan kuu dhisayaa. ( F.S: 3aad)
( Kursiga igu soo wareeji aa !!!!. Shalay maxaad ii siisay?….. Yaah, yaah, ma sidaasaad keentay, Adna sidii shalay uma ekid, ee iska keen kursiga )
6-Culusoow ayaa Masjidka tagay markii ugu horeeysay. saddax Jimco ayaa khudbada ka dib Imaamku waxa uu ka sheekeeyaa Maalinta Yoowmul Qiyaamaha iyo Cadaabta Kuleeylkeeda. Ninkii ayaa markii uu Gurigiisa yimid, ayaa Xaaskiisii waxa ey ku tiri: Jimca kasta waa Murugsan tahay ee maxaa ku helay? Waxa uu yiri: Meymuuneey, Shib iska dheh, Yoomul qiyaamaha halka dhib iyo Cadaaba ee taal ayaa la iiga sheekaayay. Markaan dhageeystay Wacdigii Wadaakii Sh.Qaroofoow ahaa, waxaanba go’aansaday in aanan isku tagin Yoowmul Qiyaamaha la sheegaayo. ( F.S: 4aad).
( Qofkii ku yiraa: Somalinimada waan ka baxay, Aduunka meel kasta oo aad ka joogto waxaa laguu yaqaan in aad Somali tahay, Anniguna aan walaalkaa ahay. Aakirina Yoowmul qiyaamaha Huri meysid, Aduunkana Somalinimada)
Qore: Yahya Amir