Maxkamad ku taalla Norway oo xukun ku riday ninkii weeraray masaajidka Al Nuur.

Maxkamad ku taalla dalka Norway ayaa 21 oo xarig ah ku xukuntay nin la sheegay in uu weeraray masaajid ku yaalla halkaas iyo sidoo kale in uu dil u geystay walaashiis.

Ninkan oo lagu magacaabo Philip Manshaus oo 22 jir ah ayaa rasaas odda uga qaaday masaajidka Al Nuur ee ku yaalla Baerum ee galbeedka magaalada Oslo bishii Agosto ee sannadkii lasoo dhaafay.

Waxaana rasaasta lagu furay masaajidka inkasta oo aysan cidna ku dhaawacmin, waxaana gacanta lagu dhigay ninkaas ka hor inta aysan booliska soo gaarin.

Booliska waxay sheegeen in ninkan uu raacayay waddadii uu maray Brenton Tarrant oo isagu lagu eedeeyay weerarkii ba’naa ee lagu qaaday labadii masaajid ee ku yaallay New Zealand bishii March ee sannadkii 2019-kii.