Mareykanka oo digniin ka soo saaray dibadbaxyada Jibuuti ka socda.

Safaaradda Mareykanka ee Jibuuti ayaa ka digtay dibadbaxyo hor leh oo ka dhaca dalkaas.

War saxaafadeed kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay “Mucaaradka Jibuuti waxay ku baaqeen in maanta la qabto dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Jibuuti, dhawaan mudaaharaadyadii ka dhacay halkaas waxaa si buuxda uga falceliyay laamaha amniga, shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Jibuuti waxaa lagula talinayaa inay ka fogadaan goobahaas”

Safaaradda waxay sheegtay goobaha ay ka dhici karaan dibadbaxyada, waxaana kamid ah, xaafadda PK12, Xayabalaay, Balbala Caadi, Sheekh Muuse iyo garoonka Guuleed.

Dhawaan Jibuuti waxaa ka dhacay dibadbaxyo lagu dalbanayay in la sii daayo Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jibuuti.