Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo deegaanno ka tirsan Shabeelaha Hoose ku dagaalamay.

Saldhigyo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Deegaannada Awdheegle iyo Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab, labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa socday muddo kooban sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana howlgal ku dhaqaaqay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Saldhigga la weeraray.

Saraakiil ka tirsan Militariga Dowladda ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro Al-Shabaab qorsheeyeen, mana sheegin waxyeelada dhankooda gaartay, balse Al-Shabaab ayay sheegeen in ay gaarsiiyeen Khasaare aysan soo bandhigin tiradooda.

Ciidamada Dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada qaybo katirsan Gobolka Shabeelaha hoose, waxaana mararka qaar uu sababaa isku dhac dhexmara Askarta iyo Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka waxa uu sheegay in ay ka go’an gacan ku dhigista deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Gen. Cabdixamiid oo dhawaan kormeeray xeryaha Ciidamada wuxuu kala hadlay duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab.