Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo loogu Baaqay inay isugu yimaadaan Kulan Deg Deg ah.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) in ay si deg deg ah shir u qabato dhammaan Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (FMS),maadaama dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uu qabo in ay kulmaan Madaxda DFS iyo kuwa D.G ugu yaraan sanadkii halmar.

Safaarada Maraykanka ee Muqdisho oo cuskanaysa Qodobka 51 Farqadiisa (3) oo dhigaya in Madaxweynayaashu kulmaan ugu yaraan hal mar sanadkii ayaa ku baaqday kulan deg deg ah oo dhexmara dhinacyadaan.

Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go’aanadii sacadihii la soo dhaafay ka soo baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo Xisbiyada mucaaradka dalka.

“Waxaan soo dhaweynaynaa hadaladii dhowaan ka soo yeeray Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo daneeyayaasha kale ee codsaday kulanka FGS-FMS, ka qeybgal, iyo wada hadal si waafaqsan dastuurka Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka oo soo gaaray Mustaqbal.

“Soomaaliya waxay wajahaysaa labadaba fursado taariikhi ah iyo caqabado waaweyn” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan ugu yeeraynaa FGS iyo hogaamiyaasha FMS in ay muujiyaan hogaan geesinimo leh iyagoo meel iska dhigaya khilaafaadka si loogu heshiiyo jadwal waqtiyeysan, loo dhan yahay, oo hufan oo loogu talagalay doorashooyinka qaran xallinta kala-qaybsanaanta siyaasadeed”ayuu ku nuux nuuxsaday Safiirka Maraykanka ee Muqdisho.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kula taliyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Hoggaanka Dowlad-goboleedyada dalka in ay u midoobaan la dagaallanka Al-Shabaab,in dib loo eego Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya, ka dhabeeyaan go’aanka dayn cafinta dalka iyo in si wax ku ool ah looga jawaaba masiibada COVID-19.

Safiirka ayaa sheegay in ay ka go’antahay taageerada dadka Soomaaliyeed is loo gaaro hadafka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo in mudaa aan helin doolad daboosha baahiyaha aas-aasiga ah.

Ugu dambayntii Maraykanka ayaa u rajeediyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka in ay gaaraan heshiis horseeda hormar, isku duubni iyo xalwaara.