Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo Xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa xalay ka dhacay Qarax la sheegay in uu ahaa Bam Gacmeed, waxaana lagu tuuray Maqaayad ay ku sugnaayeen dad iyo askar sida ay wararku sheegayaan.

Qaraxaas Khasaaraha ka dhashya waa 9-qof oo dhaawac ah iyo dhimashada hal ruux oo rayid ah, dadka waxyeeladu gaartay waxaa la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada si looga daweeyo dhaawacyada.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in askarta Booliiska howlgal ay sameeyeen inay gacanta ku dhigeen dad lala xiriirinayo qaraxaas, balse baaris ay ku hayaan hay’adaha shaqada ku leh.

Xaaladda dadka dhaawacmay waxaa qaarkood lagu sheegay inay tahay mid halis ah, halka kuwa dhaawacyada fud fudud soo gaaray dib ugu laabteen Guryahooda kolkii laga daweeyay.

Dhanka kale waxaa la og yahay in Qaraxyada, Dilalka iyo weerarada waxaa sheegta Al-Shabaab, Magaalada Kismaayo waxay ka mid ah meelaha Xasiloon ee dalka, inkasta oo mararka qaar Qaraxyo, dilal iyo weeraro ay ka dhacaan.