Kala hadalka Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ku xigeenkiisa 2aad ma hordhaca kala jab iyo khilaafyo soo socdaa?

Maanta waxaa kulan aan caadi ahayn oo looga qayb galay Aaladaa Zoomka yeeshay Guddiga joogtada ah ee xildhibaanada Aqalka Sare waxayna soo saareen war saxaafadda la siiyey.
Qodobada 3-aad iyo 4aad ee war saxaafadeedka ayaa iila muuqday dulucda shirka iyo ujeedkaba.
Waxaa lagu sheegay in qabashada doorashooyinka heer federaal u baahan tahay wada tashi deg deg ah oo u dhexeeya hay’adaha dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo saamilayda kale ee siyaasadda waxaana sida ku cad war saxaafadeedka lagu baaqay in ka hor 25ta bishan kulan wada tashi la is kugu yimaad si looga tashado hannaanka doorasho ee lagu gelayo doorashooyinka soo socda.
Dhanka kale, iyadoo loo xuskaday Dastuurka iyo xeer hoosaadka Aqalka Sare, waxaa la sheegay in la magacaabayo guddi uu hoggaamin doono Gudoomiyaha Aqalka sare oo ka shaqeyn doona qaban qaabada isku keenidda qaybaha aan kor ku sheegay iyadoo laga codsaday qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed inay ku taageeraan ka shaqeynta howshaas muhiimka ah.
Waaba howl malaha ka uroon kana daadagtay dad badan halka qaar kalana dhibsan karayaan.
Halkaas markay joogto waxaa ka daba qaatay oo “looma dhama” yiri ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare, wuxuuna ku tilmaamay warkii maanta kasoo baxay guddiga joogtada ah mid lagu xagal daacinayo howhala doorashada, isagoo duray qaabkii loo maray kulankii maanta.
Hadaba sidee wax u jiraan?
Waa maxay waxa uu dhibsaday ku xigaha 2aad ee Aqalka sare oo aysan ka hadlin Guddoomiyaha iyo ku xigeenka 1aad?
Maloo qaadan karayaa inay arrintaani tahay bilowga khilaafyo waa weyn oo soo socda iyo abuurmidda garabyo/is bahaysiyo iska soo horjeeda oo isku qabsan doona nidaamka iyo xilliga doorashada?
Qore: Cali Joqombe