Axmed Madoobe “Kulankii la isugu keeni lahaa DF iyo D/goboleedyada fashilkii ku yimid waxaa ka mas’uul ah Villa Somalia..”

Kismaayo:-Dowlad goboleedka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray fashil ku yimid shirar ay maalmihii la soo dhaafay isugu yimadeen xubno guddi ah oo ka kala socday madaxtooyada Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa eedeyn loogu jeediyay Villa Somalia inay masuul ka aheyd fashilkii ku yimid kulamadaas.

Kulamadaas oo ay gadaal ka riixayeen xubnaha beesha caalamka ayaa lagu doonayey in ay isku soo hor fariistaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo madaxweyne Farmaajo.

War-saxaafadeedka Jubbaland oo ka kooban lix qodob ayaa lagu yiri, “Jubaland waxay si weyn u dareensan tahay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”

“Dowlad goboleedka Jubbaland oo ka duulaysa hadafkaas ayaa waxay aqbashay inay qayb ka noqoto guddi uu dalbay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay diyaariyaan kulamo looga tashanayo masiirka dalka, maadaama lagu jiro xilli xasaasi ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkan kasoo baxay xaafiiska Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray, “Jubaland waxay ka qayb gashay saddex kulan oo looga arrinsanayey qaabka ugu habboon ee lagu qaban karo shirka wada tashiga ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ah.

“Waxaa nasiib darro ah in shirarka kor ku xusan oo uu hoggaaminayay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah aan wax natiijo ah laga gaarin, la iskuna waafaqi waayey waqti iyo goob kulanka lagu qabto. Waxaa kale oo wax laga xumaado ah in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah oo ay ahayd inay si joogto ah u kulmaan, aanay muddo laba sano ah kulmin sidaasna ay ku dayacmeen howlihii ummadda loo hayey” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.

Hoos ka akhriso lix qodob oo Jubbaland ay ku soo go’aankeeda:

1. Inay shaqayn waayeen xoghayntii (secretariat) loo igmaday qabanqaabadda shirka wadatashiga madaxda, sidaa daraadeedna Jubaland aanay qayb ka ahaan karin shirar aan natiijo lahayn.

2. Inay bogaadiso hadalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalku ka sheegay Golaha wasiirrada, hadalkaas oo ku saabsanaa muhiimmadda ay leedahay in doorasho la wada oggol yahay ay waqtigeeda ku qabsoonto. Waxaa aanu ku dhiirri galineynaa in Ra’iisul Wasaauruhu guto waajibkiisa.

3. Inay bogaadiso go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu maanta isugu yeeray Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare, si ay uga talo-bixiyaan tubta ugu habboon ee lagu xallin karo khalkhalka siyaasadeed ee ka dhalan kara doorasho heer qaran ah oo aan habraaceeda lagu heshiin.

4. Waxaan taageero buuxda siinaynaa go’aankii ka soo baxay kulankii Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee qabsoomay 9/6/2020. Go’aankaas oo ahaa in shir wadatashi heer qaran oo degdeg ah laysugu yimaaddo inta ka horreysa 25-ka bishan June.

5. Waxaan dhammaan maamullada dalka, hay’adaha kala duwan, xisbiyada siyaasadeed iyo dhammaan shacab waynaha Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in laga wada qayb qaato xasilloonida iyo midnimada dalka.

6. Waxaan bogaadinaynaa kaalinta haboon iyo garab istaagga joogtada ah ee ay beesha caalamku la garab taagantahay Dowladda iyo Shacabka Soomaliyeed.