Ajendeyaasha looga hadlaayo kulanka maanta ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Muqdisho:-Xildhibanaada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhigan 7-aad oo 6-dii bishan uu furay madaxweyne Farmaajo.

Guddiga joogtada ah golaha shacabka oo shalay kulan ay ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ku go’aamiyeen in Arbacada maanta ah ay xildhibaanada golaha shacabku yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhigan.

Hab-dhowraha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed C/Xasan Nuux oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ajendaha maanta ee golaha shacabka uu noqanayo akhrinta koowaad ee sharciga xisbiyada siyaasadda iyo soo bandhigida iyo ansaxinta xubin cusub oo ku biiraya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

Dhanka kale labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa meel marinta shuruuc dhowr ah, kuwaas oo lagama maarmaan u ah qabsoomidda doorashada lagu wado inay dalka ka bilaabato dabayaaqada sanadkan.