Wax ka Ogow Awoodda ciidamada Tukiga!!!.

Global Fire Power ayaa qiimeyn ku sameysay awoodda dhanka militariga ah ee Dowladda Turkiga, saameynta xiligaan ay ku yeelatay howlgalka NATO oo ay ku jirto, tababarka iyo faragelinta dalalka qaar.

Sida ku cad warbixinta, Turkiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay sare u qaadayay awooddiisa ciidanka, waxaana uu soo bandhigay waxyaabaha ay awoodaan iyada oo Xukuumadda Ankara faragelisay dalal dhowr ah.

 

Awoodda muuqata ayaa usoo shaac baxday sida cadceedda oo kale, kadib markii ciidamada dalkaas ay ka tallaabeen Xuduud ay la leeyihiin Suuriya iyaga oo baacsanaya jabhadda Kurdiga ah ee YPG oo ay u aqoonsan yihiin Urur Argagixiso.

Turkiga waa xubin kamid ah Gaashaanbuurta NATO, waana cudud ka dhex muuqata ururkaas oo ay ku bahoobeen Dowlado Caalami ah oo dhanka Militariga ku hormaray waayihii lasoo dhaafay.

Ciidamo waxa ay ka joogaan Suuriya, Soomaaliya, Liibiya iyo Yemen, waxa uu saaxiib dhaw la yahay Dowladahaan, halka dalal kale oo dhaca Qaaradda Yurub uu xiriir wadaag la yahay xiligaan.

Saldhig Militari ayay ku leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, waxa ay ku tababaraan Askarta Dowladda oo isugu jiro Booliis iyo Militari, xarunta waxaa ku sugan Macalimiin dalkaas u dhashay iyo askar ilaalo u ah.

Kolka ay tababaraan waxa ay u diraan Turkiga si ay aqoon kororsi usii qaataan, halka saraakiisha iyo askarta qaarkood tababar ciidan si toos ah loogu diro Xeryo ciidan oo ku yaalla Dalka Turkiga.

Wareyska Global Fire Power oo wax ka qora arrimaha Militariga ayaa sheegay in saldhig aad u ballaaran Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxaa uu ku qiimeeyay in uu yahay ciidanka ugu awoodda badan bariga dhexe.

137-dal oo la qiimiyay awoodda Ciidamada wadamada caalamka ee xiligaan, Turkiga waxa uu kasoo galay kaalinta 9-aad, waxaana qiimeynta laga eegay dhinacyo badan sida dhaqaalaha ku baxo oo sanadkiiba lagu bixiyo lacag dhan $8 Bilyan oo doolar.

Isbadalka dhanka Ciidamada Dowladda Turkiga waxa uu soo ifbaxay wixii ka dambeeyay sanadkii 2016-kii, kolkaas Dalka waxa uu ka badbaaday afgambi, kadib markii la fashiliyay sida uu sheegay Wargeyska.

Xukuumadda Ankara ayaa xiriir Militari oo toos ah la leedahay Wadamada kala ah Ruushka, Qadar iyo Soomaaliya oo ay saldhig ku leeyihiin, askarna u tababarto, xiriirka kala dhaxeeyana uu wanaagsan yahay.

Dalalka uu Turkiga ka awood wanaagsan yahay waqtigaan ayaa kala ah: Jarmalka, Talyaaniga, Masar, Iran, Israel, Pakistan, Australia, Canada iyo Sacuudiga oo dhaqaale badan geliya militariga dalkaas.

Awoodda ciidanka cirka ee Turkiga:

Dadka Turkiga oo gaaraya 80 milyan oo qof waxaa ka shaqeeya qiyaastii 42 milyan oo ruux, guud ahaan Ciidanka waxa uu Wargeyska The Global Fire Power ku sheegay in ay gaarayaan guud ahaan 735 kun oo askari.

Askartaas waxa ay isugu jiraan kuwo keyd ah iyo kuwo ka qaybgali kara dagaal toos ah, waxaana ciidanka u diyaarsan uu Wargeysku ku qiyaasay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo aksari.

Awood ahaan xiligaan laguma degdegi karo Ciidamada Dowladda, waana tan keentay in Dowlad Waliba ay dib ugu degto kolka Xukuumadda Ankara ay farageliso dal kale oo ay suuragal tahay in ay saaxiixb wadamadaas kale la yihiin.

Turkiga waxa uu soo tiigsaday kaalinta 10-aad ee dalalka caalamka ugu awoodda badan, Wargeyskaan falanqeeya arrimaha Militariga ayaa sheegay in Ciidanka Cirka Xukuumadda Ankara ay leeyihiin 1,067 diyaaradood oo isugu jira dhamaman nuucyada kala duwan oo ay qayb ka yihiin kuwa Casri ah ee xiligaan la isticmaalo.

Sidoo kale Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxa ay gaarayaan 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207 sida ku xusan Warbixinta Wargeyska xog baaristaan sameeyay.

Diyaaradaha xamuulka ee milateriga Turkiga ayaa gaaraya 87 diyaaradood, kuwa lagu tababaro ciidamada cirkana ay gaarayaan 289 diyaaradood oo si joogta ah uga qayb qaata kordhinta aqoonta ciidamada cirka.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka ee milateriga Turkiga ayaa tiradoodu dhan tahay 792, waxaana 94 kamid ay yihiin kuwa wax duqeeya ee weerarada loo adeegsado.

Hubka Turkiga ee Casriga ah:

Turkiga waxa uu dhawaan Ruushka kasoo iibsaday gantaalada difaaca cirka oo ah kuwo casri ah si ay u burburiyaan gantaal waliba oo lagu tuuro dalkaas.

Waxaana kamid ah Gantaalka Nuuca loo yaqaan S-400 oo ay kooban yihiin Dowladaha heysta waqtigaan, waxaa ka iibiyay Xukuumadda Moscow oo cilaaqaadka ka dhaxeeya uu aad u wanaagsan yahay.

Awoodda ciidanka dhulka ee Turkiga:

Ciidanka Dhulka ama kuwa Militariga ah ee Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka sida ku xusan Warbixinta Wargeyska The Global Fire Powr ee ka falanqooda Arrimaha Militariga.

Taangiyada dagaalka ee Turkiga waa 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur, waxaana intaa u dheer Madaafiicda ridada dheer xambaara oo gaaraya 1,120, Hubka loo yaqaan BM-ka oo casri ah waxa ay heysataa Dowladda Turkiga 350 iyo noocyo kale oo ah madaafiic casri ah.

Sidoo kale Turkiga waxa uu heystaa Gantaallo casri ah oo iyaga isridaya, waxaana lagu qiyaasay tiradooda 1,272, Gawaarida qaar waxaa ku xiran qalabka sheega Gantaalada iyo haliska kusoo wajahan dalka.

Awoodda ciidanka badda ee Turkiga:

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan ayaa toddobadyo kahor daaha ka rogay gujiskii ugu horeeyay ee lagu farsameeyo gudaha wadankaas, waxaana uu sheegay in kuwa kale oo badanna ay ka shaqeynayaan sameyntooda.

Ciidanka badda ee Turkiga ayaa leh 34 marakiib oo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaas, 12 gujis oo ah Maraakiibta Quusta ee badda hoos u gala, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda.

Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale leh markab loogu magac daray Peninsula of Anatolia, kaas oo ah markab xambaara diyaaradaha dagaalka oo markiiba ay ka duuli karaan kuna degi karaan diyaaradaha dagaalka.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2022 ay si toos ah u howlgelin doonaan gujiska lagu farsameeyay gudaha Turkiga oo haatan howshiisa socoto, waxaana uu gogol dhac u yahay sameynta Quusayaal kale.

Gujiska ayaa awood u yeelan doona in uu howgallo ka fuliyo meelo fogfog, iyada oo aan dul mareyn biyaha, waxa uu awoodaa in gantaallo uu soo rido isaga oo ku sugan Dhumucda hoose ee Badda.

Wargeyska Global Fire Power ayaa tixay tobanka dale ee ku sareeya Militariga xiligaan oo ay ka qiimeeyay dhinacyo kala duwan, maadaama howsha baarista ay muddo qaadatay in lasoo xogta xogta oo dhan.

Dalalkaas ayaa kala ah:

  1. Mareykanka
  2. Ruushka
  3. Shiinaha
  4. Hindiya
  5. Faransiiska
  6. Japan
  7. Kuuriyada Koonfureed
  8. Britain
  9. Turkiga
  10. Jarmalka.

Turkiga haddii uu sii wado howshaan militariga lagu horumarinayo suuragal ma tahay in uu ka dhaqaaqo kaalinta 9-aad ee uu hadda ka taagan tobanka dal ee ugu ciidanka fiican waqtigaan Caalamka?